U bood dhigaalka

Gaatamow“Muqdisho City Club Way Ku Soo Laabanaysaa Guulihii Looga Bartay”

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha kubbadda cagta Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa wada ciyaaray kulamadii 3-aad ee horyaalka Somalia Premier League olalaha 2018-2019.

Kooxda Horseed ayaa 2-1 kaga badisay dhigeeda Muqdisho City waxayna aheyd guul daradii 2-aad ee soo gaarta kooxda dowladda hoose ee Muqdisho ka dib markii ay Jeenyo ay kala kulmeyn natiijo 1-0  kulankoodii 1-aad  horyaalka kol ciyaareedkan.

Mogadishu City Club waa ay ku soo laabanaysaa wadadii guulaha guul darooyinka waa qeyb ka mid ah kubbadda cagta ah ha is dajiyaan taageerayaasha kooxda wax Walbo si wanaagsan ayay kusoo laabanayaan”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cabdi Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ah Macalinka 2-aad ee Muqdisho City Club.

Xidigaha kooxda Horseed ayaa sheegay in si wanaagsan ugu diyaar garoobeyn rajo fiicana ay ka lee yihiin hanashada horyaalka oo labadii sano hore ay ku guulaysteyn kooxda kubbadda cagta Dekedda.

“Guushan muhiim ay inoo aheyd kooxda Muqdisho waxa ay ka mid tahay naadiyada ugu adag dalka waxaana xooga saaraynaaa Kulamada kale ee inagu soo wajahn si aan u tiigsano hanashada horyaalka”waxaa Goobjoog Sports u sheegay Macalin Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ah tababaraha kooxda Horseed.

Si kastaba kooxda Muqdisho ayaa kulankeedii xiga horyaalka waxa ay la ciyaaraysaa kooxda ciidan booliska Heegan,halka xidigaha ciidan xooga ee Horseed aya iyagana la balan sanyihiin dhigooda Midnimo FC

Halkan Ka Daawo Warixin Ku Saabsan Ciyaartii Horseed Iyo Muqdisho City Club

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/264014217850206/