U bood dhigaalka

Gabadh Soomaaliyeed oo Sheegtey in ay Cudurka Aids-ka Ka Qaaday Kufsi Loo Geystey Iyada oo Tahriibeysa (Dhageyso)

Sheeko:Caafimaadka
Sawir Hore : Wacyi Galin Aids-ka
Sawir Hore : Wacyi Galin Aids-ka

Iyada oo shalay loo dabaaldagay maalinta cudurka Aids-ka ayaa waxaa soo baxaya dad Soomaali ah oo siyaabo kala duwan uu ugu dhacay cudurkani dilaaga ah ee aanan dawasiisa la heynin.

Waxaa dadkaasi ka mid ah dumar Soomaaliyeed oo cudurka la qaadsiiyey iyaga oo tahriibaya kadib markii la kufsaday.

Wariyaheena magaalada Hargeysa Cumar Seerbiya ayaa la kulmey mid ka mid ah dumar Soomaaliyeed oo ay kufsadeen askar dalka Sucuudiga oo xabsi ku hayay muddo bilo ah, kadibna ay ka qaaday cudurka Aids-ka.

Gabadhani oo magaceeda ka gaabsatay ayaa ka sheekeysey sidii ay u tabriibtey, qaabkii kufsiga u dhacay iyo xaaladda ay hadda ku sugantahay oo ah wax aad u murugo badan.

Waxa ay sheegtey in hooyadeed ay dhimatay, kadibna wiil yar oo walaalkeed ah uu xanuunsaday, kadibna ay danta ku kaliftey in ay tahriibto, waxa ay safar ku tagtay dalka Jabuuti kadibna dooni ka raacday xeebta Oboq, iyada oo kusii jeeda dalka Yemen.

Yemen ayay hadane kasii tahriibtay iyada oo gabdho iyo wiilal kale oo Soomaali ah la socota, balse nasiib daro waxa xuduuda ku qabtay askarta xuduuda ee Sucuudiga kuwaasi oo muddo labo bilood ah ku hayay xabsi .

“Waa I kufsadeen, 7 nin ayaa I kufsatay, xoog iyo hub ayayna ii isticmaaleen” ayay tiri gabadhani, waxay intaasi ku dartay in 2 wiil oo la socdey midna uu xabsiga ku dhex dhintey, midna isaga oo baxsanaya ay askarta toogteen.

Waxay sheegtey in markii dambe u suurogashay in ay xabsiga ka baxsadaan iyada iyo gabadh kale, balse ay u gacan galeen qolyo reer miyi ah oo xoolo heysta, kuwaasi oo si qasab ah ugu shaqaystey.

Muddo bilo ah kadib ayay kusoo laabteen dalka Yemen, halkaasi oo mar labaad ay tahriib kaga tagtay, kuna gashay dalka Sucuudiga. Markii ay bilo joogtey Sucuudiga ayay xanuun dareentey, markii ay dhaqtar u tagtayna waxaa lagu sheegey cudurka Aids-ka in ay qabto.

“Dhaqtar Soomaali ah ayaa cudurka iga heley, kadib wuxuu igula taliyey in aan Soomaaliya ku laabto, maadaamaa lag helo dawooyin iyo daryeel, taladaasi ayaan qaatay, waxaan kusoo laabtay sanadkani dhexdiisa Soomaaliya, Habaryartey oo Burco Degen ayaan u tagay, kadibna habaryarteey kale oo miyiga degen ayaan oga sii gudbey halkaasi oo aan caano geel iyo kaadi geel muddo cabayay” ayay tiri gabadhani.

“Magaalada ayaan kusoo laabtay, muddo ayaan qarsanayay cudurka, isbitaalkana si qarsoodi ah ku tagayay, markii dambe inta aan is heyn waayay ayaan habaryarteey u sheegey in cudurka I hayo, kadib guriga ayay iga ceersatay , waxayna aamintay in aan cudurkaba qaadsiiyey, hal habeen ayaa 7 guri oo qaraabo ah la’iga ceersaday illaa aan waayo meel aan jiifsado, kadibna qashin qubka ayaan u jiif doontey” ayay tiri gabdhani oo shucuur murugo leh ay ka muuqato.

Gabadh ay is garanayaan ayaa markii dambe maqashay xaalada gabadha, taasi oo muddo afar bilood ah siisey hoy iyo daryeel.

Gabadhani hadda waxa daryeela hey’adaha caawiya dadka qaba cudurka Aid-ska ee Hargeysa ku nool, waxana ay sheekadeeda muujineysaa dhibaatada tahriibka laga dhaxlo baaxadda ay la’egtahay, waxaa kale oo ay muujineysaa sida bulshada Soomaaliyeed waswaaska oga qabto dadka uu ku dhacay cudurka Aids-ka, xitaa haddii ay qaraabadooda yihiin.

Waxa ku dhacay gabadhani ay kala kulantay qaraabadeeda iyo dabcan bulshada inteeda kalana waxa ay horseedi kartaa in dad badan oo uu cudurka ku dhacay ay qarsadaan cudurka, una dhaqmaan si caadi ah taasina ay sii kordhin karto halista iyo faafista cudurka, mar haddii qofkii cudurka qabay uu si caadi ah ola dhaqmayo bulshada, gaar ahaan xagga guurka. Waxaa muuqata baahida loo qabo wacyigalin badan in bulshada lagu sameeyo marka ay timaado sida loola macaamilayo dadka cudurkani la nool.

Dhageyso

 

Goobjoog News