U bood dhigaalka

Gabadhii ugu horeysay oo Somali-Belgium ah oo ku Guuleysatay golaha Deegaanka ee Leuven

Sheeko:Dalka

Sahra Maxamed Khalif oo 21 jir ah ayaa ku guuleystay xubin golaha deegaanka ee magaalada Leuven ee dalka Belgium ka dib markii ay heshay cod gaaraya 772.

Sahra oo ka sharaxneyd xisbiga u janjeera garab bidix ee loo yaqaano Belgian Socialist Party (SPA) oo ka mid ah axsaabta ugu waaweyn dalka Belgiumka.

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Beligium oo shaqsi ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo doorto xil.

Sahra Maxamed Khalif waa gabar da’ yar dhigatana Jaamacadda magalaada Leuven gaar ahaan culuumta adduunka (International Studies) ayaa ah shaqsi mustabla wanaagsan ku leh siyaasadda dalka Belgium.

Labada waalid ee dhalay Sahra Maxamed Khalif oo kala aha Jamiila Subeyr (Ramlah) iyo Capt. Cusmaan Maxamed  ayaa aad ugu farxay dadaalka iyo hurumarka siyaasadeed ee ay gaartay Sahra.

 “Aad ayaan ugu faraxsanahay in gabarteyna Sahra ay ku biirto siyaasadda ayada waliba da’ yar.” Ayeey tiri Jamiila Suber ayada Khadka telefoonka ugu warameysa HOL.

Doorashadaan ayaa waxaa ka qayb-galay ilaa iyo todobo (7) xisbi. Ciddii ku guuleysto ayaa jagadaan hayndoonto muddo lix (6) sanno ah.

Bishaan Oktoobar bilowgeedii ayaa Leyla Cali Cilmi oo ah gabar Somali-Swedish ku guuleystay xubinnimada baarlamaanka dalka Sweden.

Goobjoog News

Mawduucyada:Qurbajoog