U bood dhigaalka

Gabar 15 jir soomaali ah Oo Dalka Masar Ku Dishay Darawal Isku Dayay Inuu kufsado

Sheeko:War

Gabar da’yar oo soomaali ah ayaa soo afjartay nolosha darawal Bas oo isku dayay inuu kufsado, falkan ayaana ka dhacay xaafada 6-dii October magaalada Giza ee dalka Masar.

laamaha ammaanka ee magaalo Giza ay sheegay inay heleen warbixinta gabar 15 jir ah oo Soomaali ah, taasoo tilmaaamysa  in darawalka geeriyooday uu damcay inuu u afduubo, , oo la baxsado.

sida ay sheegeen dad ka agdhowaa goobta, Darawalka ayaa gaariga u leexiyayay wadada dhinaceeda, isagoo isku dayay inuu fara xumeeyo gabadhan 15 jirka ah oo haysata dhalashada soomaaliya, isagoo ku handada toorey, balse waxa ay ku guuleesatay inay mindida ka soo saarto gacantiisa, kadibna ay xabadka kaga dhufato mindiddii ay ka faro maroojisay taasoo keentay inuu dhiig baxo sidaana uu kunaf baxo.

 

agaasimaha dambi baarista ee magaalada Giza Major General Medxat Faaris oo kaashanaya laamaha amaanka, ayaa sameeyay baaritaanno la xiriira dhacdada, waxaana usheeegay in gabadha ay timid saldhigga booliiska ee xaafadda October, iyadoo uu la socdo qareen ka socda hay’adda qaxootiga aduuka ee UNHCR, halkaas ay booliska ugu  sheegatay in ay lakulantay isku day afduub ah oo kula kacay nin darawal ah, iyadoo faahfaahin ka bixisay sida ay wax u dhaceen.

 

Xafiiska xeer ilaalinta oo soo fara galiyay dhacdadan, ayaa amar ku bixiyay in gabadha xabsiga lagu sii hayo muddo 4 maalmood ah oo ay baaritaanadu socdaan, waxaana ayna u xilsaartay dambi-baarayaasha inay si deg deg ah u soo baaraan falkan iyo sida ay wax u dhaceen.

 

Dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha ee qaxootiga ama safarada waxbarasho u aada dalalka aasiyaanka iyo carabta ayaa lakulma dhacdooyin kuwaan lamid ah waxaana xusid mudan in gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Dahabo Cumar ay 13kii bishii labaad ee sanadkan lagu dilay magaalada Kuala-lambur ee caasimadda dalka Malaysia sababo laxiriira guur ay kadiiday nin ajnabi ah.

 

GOOBJOOG NEWS