U bood dhigaalka

Gabar afduub ay u heysteen Al-Shabaab oo la soo furtay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaya degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud  ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ku soo furteen mid ka mid ah labo gabdhood oo la sheegay inay muddo lix bilood ah u afduubnayeen Al-Shabaab.

Xasan Nuur Guutaale, Gudoomiyaha degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud  ayaa ka waramay howlgalka ay gabadhaasi ku soo furteen,  isagoo xusay in weerarku ay ku dhinteen Labo ka tirsan raggii afduubka u heystay gabadha halka saddex kalena ay ka dhaawacmeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ciidamada isbaheysiga ee ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga saarayo deegaannada ay uga sugan yihiin gobolka Galgaduud, wuxuuna xaqiijiyay in waddada isku xirta Ceelbuur iyo Dhuusamareeb la isticmaali karo wixii hadda ka dambeeya.

Qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa waxaa ka soconaya howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ee loogu magic daray “Badweynta Hindiya” oo ay iska kaashanayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.