U bood dhigaalka

Gabar Sacuudi Ah oo 6 Sano Lagu Xukumay iyo Beesha Caalamka oo Cambaareysay

Sheeko:Amniga

Maxkamad Sacuudi ah ayaa ku xukuntay Lijiin Al-Hadool  5 sano iyo 8 bilood oo xarig ah, xukunkana waxaa laga jaray labo sano iyo 10 bilood oo horay u xirneyd.

Warbaahinta Sacuudi Carabiya ayaa ku warantay in maxkamadu ay xukuntay Lijiin Al-Huduul iyada oo lagu eedeeyay in ay dadka kicinaysay  si wax looga badalo nidaamka aasaasiga ah ee dawladda, iyada oo doonaysa in gudaha boqortooyada, ay ka fuliso ajande dibadeed, sidoo kale in ay internetka u adeegsatay si ay u waxyeeleeyso, Hannaanka guud iyo la shaqaynta ay la shaqaysay tiro shaqsiyaad iyo hay’ado ah, waxayna sheegtay in tani ay ku timid nidaamka la dagaalanka dambiyada argagixisada iyo maalgalintooda.

Jack Sullivan oo ah masuulka uu magacaabay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden si uu u buuxiyo booska Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegay in xukunka ka dhanka ah Loujain Al-Huduul “ee lagu haysto kaliya in ay adeegsatay xuquuqdeeda caalamiga ah uu yahay xukun aan cadaalad aheyn oo qalqal abuuraya.”

Sullivan ayaa intaa ku daray qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka in maamulka Biden iyo ku xigeenkiisa Harris uu hor istaagi doono “xadgudubyada xuquuqda aadanaha meel kasta oo ay ka dhacaan.”

Hadalkan ayaa waxuu ku soo beegmay iyadoo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha uu ku baaqayo in “si dhakhso ah loo sii daayo ” haweynayda udhaqdhaqaaqda xuquuqda adamaha ee Loujain Al-Huduul, sida ugu dhakhsaha badan.

Xafiiska UN-ka ayaa sheegay in xukunka loujain uu ahaa mid walaac xoogan ay ka qabaan.

Bishii Meey 15, 2018, maamulka Sacuudiga waxay xireen tiro  dadka ah oo ololeeya xuquuqda aadanaha, gaar ahaan loujian, Samar Badawi, Nasima Al-Sada, Nouf Abdel Aziz iyo Lamia Al-Zahrani.

Loujain waxay bilawday cunto joojin bishii Oktoobar, tii labaad ee 2020, si ay caalamka ugu muujiso xaaladda xarigeeda.

Goobjoog News