U bood dhigaalka

Gabar Soomaali ah”Safiya” oo Loogu Magacdaray Howlgalka Miwoga Yurub ee Ka Hortagga Tahriibka

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa howl-galkiisa ka dhanka ah Tahriibka Sharci darada ah ee badda Mediterranean  ugu magac daray Safiya taas oo ah gabar yar oo laga badbaadiyay Xeebta Liibiya bishii hore, Wakiilada midowga Yurub ayaa sheegay in howlgalkan ay bilaabi doonaan October 7, 2015.

Howlgalkan, ciidamadda Badda Midowga Yurub ayaa waxaa ay kori doonaan, Baari doonaan isla markaana qaban doonaan markabkii ay ku helaan in uu si sharci darro ah Tahriibayaal ugu wado Yurub, howlgalkan hadda dhamaaday waxaa uu soo bilowday bishii Jine.

Howlgalkan waxaa fulinaya 4 Markab oo laga leeyahay dalka Talyaaniga, Markabka Diyaaradaha qaada oo isla Talyaaniga laga leeyahay iyo 4 diyaarad, Waxaa ka qeyb qaadanaya 1,318 oo qof oo ka kala socdo Wadamada Yurub.

Howlgalkii hore ee EUNAVFOR Med waxaa lagu badalaya Safiya, taas oo loogu magac daray gabar ku dhalatay Markab laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya 22 August 2015 .

Gabadhan waxaa dhalay Waalidiin Soomaali ah, Markabka ay ku dul dhalatay waxaa lahaa dalka Jarmalka.