U bood dhigaalka

Gabar Soomaaliyeed Oo Caalamka Kula Tartamaysa Ka Ganacsiga Basbaaska

Sheeko:Dalka

Sacdiyo Shariif Xasan oo ah hal abuurka Ganacsiga Basbaaska horumaray ee dalka Maraykanka, ayaa Goobjoog News, waxa ay uga sheekeysay qaabka ay shaqadaan ku billawday iyo sidoo kale waqti ay howlahan guda gashay, kuna darso horumarka ay gaartayna way ka hadashay.

1991-kii ayay ka baxday Magaaladda Muqdisho oo waxa ay gaartay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay ugu noolayd muddo 7-sano ah si magan galya doon ah .

Waxa ay ku guursatay dalkaasi , oo ay ku ilma dhashay lkn 1999-kii bishii September 22-kedii ayay u dhooftay maraykanka markii ay ku guulaysatay in si qaxootinnimo ah loo aqbalo.

Sacdiya Markii ay gaareen Airporka Magaaladda Newyork ee dalka Maraykan iyada , Saygeeda iyo caruurteeda , waxa ay gashay riyo dheer taas oo da’yaraantedii ay ku riyoon jirtay mar uun inay ku noolaato dalkaasi.

Daqiiqado ayay miyir baxday iyadoo gacanta ka haysa wiilkeda oo markaasi aad u yaraa, maadama ay la noqotay wax aan caadi ahayn iyadoo oo dhax joogta cariga Maraykan oo sheeko dhegood loogu sheegi jiray .

“ Nolosha waxaan ka billaabay meel hoose , walaahi in aan suuliyadda meero , Sariiro goglo , dhulka dhaqo Meel hoose oo aan waxba ka sarayn ayaan ka bilaabay nolosha, lacag aan badnayn ayaan run ahaantii qaadan jiray taas oo dhamayd 1000, dollar iyo xoogaa , haddii lacagtaas laga jaro 800$ oo i jaar ah waad dareemi kartaa waxba kuuma soo harayaan” ayey tiri Sacdiya.

Waqti ka mid ah nolosheeda waxa ay wax ka baran jirtay Dugsiyadda dadka waawayn ee dalkaasi si ay u noqoto qof aqris-qoraalka dalkaasi taqaana .

2006-dii ayeey dib ugu soo laabatay Magaaladda Muqdisho oo ay ku noolyihiin Ehelkeeda .

Sacdiyo waa qof kasoo jeeda qoys sabool ah , laguna soo koriyay nolol hoose , markii ay timid Muqdisho sanadkaasi waxa ay aragtay dad ku kala nool dabaqad sare iyo mid hoose taas oo ay ii sheegtay in ay ka uur xumaatay .

2007-dii dib ayay ugu laabatay Maraykanka , waxaana ku dhashay hal abuurka hirgalay ee basbaas sameynta.

“Wax soo saarkan waxa uu igu dhashay anigoo sajuudsan oo alle baryaya , ku oynaya ilaahayow murugadaan i haysata iga garab sii,
Markii maskaxdayda uu ilaahay ku soo riday in aan basbaaskan oo horay aan ugu samayn jiray caruurtayda horumariyo , markiiba waan baxay gaarigayga ayaan ka xaystay waxaana aaday dukaamadda si aan u soo iibsado waxyaabaha laga sameeyo basbaska,markii aan soo iibiyay ayaan kariyay dabadeedna waxaan u qaaday dukaamadda , laakin dhibaato badan ayaan kala kulmay in aqoonsi aan helo waqti dheer ayayna igu qaadatay “

Wada jirbay laba gacmood wax ku qaban karaan , si isku duuban ayay qoskeedu u horumariyen ganacsigan.

“ Rafaad badan kadib , jikadii ayaan hadana si qoys ahaan u wada galnaa , gabadhayda , caruurteeda iyo aniga waan karinaa oo hagaajinaa, Odaygayga dublad ayuu kula shubaa dhaladda basbaaska , mid kale ayaa furka ku xira , kan kale wuu tirtiraa oo uu isku hagaajiyaa , gabadha kale ayaa kartuunadda ku ridda tan kale ayaa iyaduna sharootaynaysa , wiilka kale ayaa qaada oo u dhiga dukaamadda sidaas ayaan u wada shaqayn jirnay “

Sacdiya waa qof dadaal iyo dhib badan u martay inay guulaysato waxa ayna aaminsan tahay in guushu aan la gaari karin hal maalin oo qura.

“Walaahi Walaalow , waxaa la yiri qof isfaaniyay waa RI is nuugtay, laakin anigu waxaan aaminsanahay SacdiYa ahaan in adduunka wax aan la qaban Karin aanay jirin, dadka Somaliyeed waxaan ku waanin lahaa iskaashiga wax ka wanaagsan in uusan jirin , Soomaalidda hal arin ayay ku fiican tahay inay is aaminaan taas waxaan ku siinayaa amaan, laakiin waxaan ku dhaliilayaa hal mid taas oo ah in jecel yihiin inay degdeg ku guulaystaan “

“Aniga sacdyia ahaan waxaan rabaa mustaqbalka in aan sameeyo hay’ad madax banaan oo caalami ah si aan ugu dadaalo in aan caawiyo dadkayga Soomaaliyeed ee u baahan in la caawiyo”

Sacdia waxa ay dhiiragelin u noqon kartaa dumarka Soomaaliyeed oo dhinac kasta oo wanaag ah uga dayan kara , waxay qudheedu aaminsan tahay taasi inay dhici karto.

“Waa Runtaa, caruur badan waan leeyahay Ilaahay Ayaa Mahadaasi Leh, ilaahay waxa uu I siiyay nin qiimo leh, addunka waxaa la dhahaa qof walba oo soo baxa waxaa ka dambeya qof taagera oo la harjada, haddii qofka lamaanahaga ah uu yahay qof qurux badan oo nadaamsan oo ku garab taagan uu yahay waad soo baxaysaa, Odaygayga ilmahayga isagaa dhaxda u xirtay oo igu yiri shaqadaada sii wado, haddii ay ahaan lahayd shaqada iyo caruurta intuba waa uu igu gacan siiyay marka isagaa sababay in uu igarab istaago isaga ayaan u mahad celinayaa ilaahayna qayr ha siiyo”

Wax soo saarka Sacdiya Shariif waxa uu ku baahayaa wadamada yurub iyo qaaradda America.

Waxaa xilligaan laga isticmaalaa Maraykanka , Ingiriiska Germany iyo Cumaan.

Waxa ay guusha Sacdia ay ka dhigan tahay mid usoo wada hooyatay dadka Somaliyeed oo idil waana mid mudan in lagu faano.

Waxaa dadaalkan dheer ee Sacdiya ay ku jirto uu ku dhiiragelin karaa dumar badan inay u noqoto shaqsi ay ku daydaan .

W/D : Munasar Maxamed Cabdi