U bood dhigaalka

Gabar Wariye ah oo lagu xiray magaalada Garoowe

Sheeko:War
Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar)
Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar)

Wararka aan ka heleyno magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe gurigeeda lagala baxay Gabar Wariye ah oo sugneyd magaaladaas.

Gabarta Wariyaha ee Gurigeeda lagala baxay ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar), taas oo ka mid ahayd wariyaasha ka howlgala magaalada Garoowe waxaana la cadeeyay in ay la bexeen ciidanka ammaanka ee maamulka Puntland.

Taxadar waxaa ay ka tirsaneyd Radio Daljir oo ka howlgala Puntland,waxaana ay ka ahayd barnaamij soo saare iyo tebiye si gaar ah waxaa ay ugu howlgaleysay xarunta labaad ee Daljir oo ku taalla magaalada Boosaaso.

Sababaha gabartaan Wariyaha ah loo xiray ayaa lagu sheegay in ay tahay ka dib markii xalay ay Wareysi siisay laanta Afka Somaliga ee VOA iyada oo ka warbixisay xiisadii ka taagnayd magaaladaas.

Labo weriye oo kale oo ay Faadumo Taxadar wada joogeen ayaa saxaafadda u sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamadu si xoog ah ku kaxaysteen, kadib markii ay weydiiyeen sababtana iyaga qudhooda lagu daray, inkastoo labadaas weriye oo kale markii dambe layska soo fasaxay.

Wakiil wareedka Goobjoog FM uga soo waranta Gobolka Bari, Khadra Maxamed Xasan (Khadra Degan) ayaa ka mid ahayd wariyaasha lala xiray Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar), waxa ay u sheegtay Goobjoog FM in ay xoriyadeeda dib u heshay.

Dallada ay ku mideysan yihiin Wariyayaasha ka howl gala maamulka Puntland ayaa cambaareeyay xariga loo geystay wariyahan, waxa ayna dalbadeen in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Suxufiyadaas.