U bood dhigaalka

Gabar Waxbaratay, Waa Bulsho Waxbaratay

Sheeko:Dalka

Nadiifo Maxamed waa 35 jir umuliso ah, ku nool Degmada Balcad  oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ee Soomaaliya, waxay kaalin wax ku ool ah ka qaadataa hor’umarinta bulshadeeda, shaqadeeduna waxay tahay in wax la baro carruurta aan aadin dugsiyada.

Waxay sidoo kale juhdi badan ku bixisaa u ololeynta waxbarashada gabdhaha, iyada oo garab ugu ah sidii ay hooyadeed usoo garab istaagtay.

“Markii aan yaraa gabdhaha laguma dhiirri-gelin jirin waxbarashada” ayey tiri Nadiifo oo ka hadleysay guusheedii waxbarashada. “Dhowr jeer ayey waalidkey ku sigteen in ay waxbarashada iga reebaan, sababo la xiriira culeys uga imaanayay bulshada” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Nadiifo hooyadeed ayaa fahansaneyd qiimaha waxbarashadu u leedahay dadka, waana sababta ay ugu soo guuleysatay in ay waxbarato.

“Hooyadey ayaa i garab istaagtay, xilli qof walba uusan la dhacsaneyn in aan waxbarto, xitaa aabbahey ayaa dhowr mar soo jeediyay in dugsiga waxbarashada la iga reebo, oo aan guriga iska joogo” ayey mar kale Nadiifo Maxamed oo ka warrameysa guusheedii waxbarashada hadalkeeda sii raacisay

Amni xumada iyo dhaqaale la’aanta ka jirta Soomaaliya ayaa qiyaas ahaan 3 milyan oo carruur ah sababtay in ay ka haraan waxbarashada, si gaar ah waxay arrintaan u sii saameysay gabdhaha yar yar, sida laga soo xigtay hey’adda hor’umarinta Mareykanka.

“Keliya 25 boqolkiiba ayaa xaadira dugsiyada hoose gabdhaha gaaray waxbarashada, halka 65 boqolkiiba dumarka da’ ahaan u dhexeeya 20 illaa 24 aysan helin waxbarashadii nidaamiga aheyd ama keliya waxay soo dhigteen dugsiga hoose”.

Nasiib wanaag maanta Nadiifo waa qofka keliya oo qoyskeeda ah oo dhammeystay waxbarashadeeda jaamacadda, waxayna ku dadaaleysaa in ubadka iyo jiilkaan nool si wanaagsan loo dhiso aqoontooda.

“Waxaan gabdhaheyga ku daray iskuulka iyaga oo aad u da’ yar, waxaan u go’aansaday arrintaan in ay fahmaan iyaga oo yar qiimaha ay waxbarashadu leedahay, waxaana la garab taaganahay in aan ku dheerri geliyo aqoon walba iyo xirfad kasta oo ay daneynayaan” ayey mar kale tiri Nadiifo Maxamed.

Marka laga yimaado in ay ku howl-gasho umulisanimo, Nadiifo waxay hooyooyinka iyo carruurta deegaankeeda ku boorrisaa in ay ka faa’ideystaan kaalmada waxbarasho ee Ololaha waxbarashada Bar ama Baro.

Bar ama Baro waa Barnaamij waxbarasho oo ay maal-galineyso hey’adda USAID oo kaashaneysa wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Barnaamijkaan ayaa waxa uu yahay mid loogu tala-galay in looga faa’ideeyo ardayda ka daahay waxbarashada ama ka haray iskuullada ee da’ ahaan u dhexeeya 9-17 jir, waxa uuna yahay mid uu ardaygu qaadan doono sideed sano oo waxbarasho ah , halka afar sano kor loo qaadi doono aqoontooda aas-aasiga ah, si ay u helaan shahaaddada dowladda.

Bar ama Baro waxaa uu hadda ka shaqeeyaa 32 degmo oo Soomaaliya ah, gaar ahaan Banaadir, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Jubaland. waxaana 107,000 oo arday oo ah Iskuullo iyo goobo waxbarasho oo bulshada loo sameeyay.

Mashruucan ayaa waalidiinta, macallimiinta iyo qeybaha bulshada u oggolaanaya in ardayda ay ku daraan dugsiyada waxbarashada, sidoo kalana ay dhiirri-geliyaan aqoonta, abaabulka bulshada, waxaana uu mashruucaan ka taageeri doonaa wax-yaabaha muhiimka ah sida dhismaha goobaha waxbarashada, agabka sida buugaagta iyo helidda biyaha.

Nadiifo waxay sadax sano ka mid aheyd Guddiga Waxbarshadda Bulshada, iyadoo hadafkeedu yahay in dadku helaan waxbarasho tayo leh, inta uusan billaaban qoridda ardaydu waxay ku booqataa dadka guryaha si ubadkooda ay waxbarashada ugu daraan.

“Waxaan u sheegaa waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka in gabdhahooda ay geeyaan iskuullada oo aysan keliya kusoo koobin shaqada guriga” ayey tiri Nadiifo ka hadleysay in la siiyo gabdhaha fursad ay wax ku bartaan.

Iyada oo weli ay jiraan xaalado amni xumo iyo mid dhaqaale Nadiifo waxay ku guuleysatay in aragtidii bulshadeeda ay wax badan ka bedesho, waxaana hadda waalidiintu u muuqanayaan kuwa fursado siman wiilasha iyo gabdhaha u wada siinaya in waxbarashada ku biiraan.

Dhiirri-gelinta iyo ololaha noocaan ah ee waxbarashada la xiriira waa mid muhiim u ah bulshada, waxa uuna si gaar ah usii siinayaa gabdhaha in ay helaan fursado ay wax ku bartaan.

W/Q: Alinor Osman