U bood dhigaalka

Gabdhaha Da’da Yar Ee Barakacayaasha Oo Haya Shaqo Badan Misana Faa’ido Yar

Sheeko:Dalka

Gabdho yar yar oo da’doodu u dhaxaysa 15 ilaa 8-sano jir ayaa Macmacaanka Sisinta, Looska iyo Xanjada ku wareejiya hareeraha wadooyinka Magaalada Muqdisho, Waxaana qarashaadka ay ka helaan waxyaabahaasi ay iibinayaan ku masruufaan (Biilaan) reerahooda.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, sida Makka Al-mukarrama, gaar ahaan nawaaxiga km-4 (Lambar Afar) isgoyska Banaadir, Wadada Seybiyaano, Goobaha gaadiidka laga raaco ee guud ahaan magaalada Muqdisho waa meelaha ugu badan oo gabdhahan yar yar lagu arkayo iyaga oo hareeraha wadada la taagan Alaabahan yar yare e ay iibinayaan.

Waxay inta badan ka yimaadaan Gabdhahaan, kaamamka dadka soo barakacay ee duleedyada Muqdisho, halka qaarkoodna ay yihiin danyar waalidka dhalay uusan awoodin shaqo oo iyaga loo diro raadinta waxa ay reerka dabka ku shitaan.

11-ka barnaqanimo ayaa gabdhahan ay inta badan usoo shaqo tagaan wadooyinka aynu soo sheegnay, si ay u iibiyaan macmacaanada  guryaha loogu soo sameeyo waxayna dib uga laabtaan xaafadahooda (7-da Fiidnimo) halka saac habeenkii.

Dahabo Xasan waa 13-sano jir ka mid ah gabdhaha Seybiyaano ku iibiya Looska iyo Sisinta, Goobjoog News waxa ay u sheegtay in shaqadaan ay wado mudo Sanad ah kana soo qaado Kaam barakacayaal ah oo ay ka degan yihiin deegaanka Sarkuusta, waxaana ay sheegtay inay ku biisho oo nolol maalmeed uga raadiso Lix Caruur ah oo iyaga la dhashay, una weyn tahay.

“Loos ayaan wareejiyaa oo aan wadadaan la taaganahay, 40-kun marna 30 ayaan ka helaa oo Shilin Soomaali ah, shaqadaan muddo Sanad ah ayaan wadaa deegaanka sarkuusta ayaan ka imaadaa, 6 caruur ah oo aad u yar yar ayaa ila dhalatay , waxaan halkaan ka shaqeeyo dabka ayaa loogu shidaa dhib badan ayaa iska jiro, aniga wax ma barto walalahayna sidoo kale oo lacag la’aan ayaa jirta” Dahabo ayaa sidaasi tiri.

Dahabo ayaa ii sheegtay in Aabaheed uu yahay gurijooge aan waxba qaban hooyadeedna  ay guriga ku hayso ilmaha iyada ka yar yar.

Shaqadan in dhibkeeda ay wadato ayey ii raacisay hadalkeeda, mararka qaarna laga dafo looska iyo sisinta sacanka ay kuwado maalmaha qaarna ay dib ugu laabato guriga iyada oo aysan waxba u gadmin, maanta oo dhan ay taagnayd hareerta wadada laamiga ah, Shaqadaanna ay ku qasabtay duruufo dhanka cuno la,aanta ah oo reerka haysta.

“lacagta aan shaqeeyo Aabe ayaan ugeeyaa isagaa wax kusoo iibiyo, Hooyo iyo Aabo waxba mahayaan meel ay ka shaqeeyaan malaha, anigaa waxaan yar yar iibiyo, dhibaatooyin waan kala kulmay shaqadaan , mar waa la’iga dafaa, mar waa la’iga daadiyaa oo baabuurleey ayaa iiga daadineysa, marka dhib waa iska jiraa”

Sidoo kale Muumino Maxamed Darmaan waa gabar 10 sano jir ah, waxay wareejisaa Loos, baco iyo cabitaanno, 8 caruur ah ayaa la dhalatay Aabaheed kal hore ayuu geeriyooday hooyadeedna waa Xaamilo aan shaqeyn Karin, kaam dad soo barakacay oo deegaanka tabeelaha ku yaalla ee duleedka Muqdisho ah ayeey ka timaadaa 7-da subaxnimo waxaana laamiga ay ka hoyataa 7-da ilaa 8-da Fiidnimo habeenkii.

Iyada oo u warantay Goobjoog News, waxa ay sharaxaad guud ka bixisay shaqadeeda sida ay ku maareyso, qarashka ay ka hesho iyo sidoo kale hadii ay jiraan caqabado soo wajaha.

“Markeenii hore Degmada Buur Hakaba ee gobolka Bakool ayaan ka imaannay, deegaanka Tabeelaha ayaan daganahay, Bac iyo Loos ayaan wadadaan ku wareejiyaa, Habeenkii Laba Saac ama Hal Saan ayaan tagaa Gurigeyga, Hooyadeey waa xaamilo xanuunsan waxay haysaa ilmaha iga yar yar oo 8 ah, Aabahayna marhore ayuu dhintay, aniga markaan subixii kasoo tagayo xaafadda ayaan wax usoo kariyaa markaan guriga tago habeenkiina aniga ayaa casho ukariyo, waayo hooyo waa Xaamilo aan awoodin inay wax qabato, 15 ilaa 40 kun ayaa iga soo gasho shaqadaan” ayeey Muumino Tiri

Muumino ayaa sidoo kale ii sheegtay in dhibaatoyin ay kala kulantay shaqadan oo ay mudo waddo welina ay ku dhiiranayso.

“Shaqadaan aan hayo waa mid aad u dhibban maalintii oo dhan wadadan ayaan la taaganahay wali dacas ma wato hada, Dhibaatooyin dhowr ah mar ayaan kala kulmay shaqadaan oo mudo aan wado, Maalinkasto waxbaa la iiga dafaa , xitaa mar waxaa  dhacday in 50-kun Shilin Soomali ah la’iga dafay, aniga oo guriga kusii jeeday, mararka qaar ilmaha darbi jiifta ah waan iska sasabaa oo 5-xabo loos ah ayaan siiyaa kadib wax iigama dafaan”

Waa shaqo aad u dhibbadan, faa’idadeenu yar tahay howshaan ay hayaan gandhahaan da’da yar, hadaba arimahaan oo dhan waxaa ka hadlay ururada Bulshada.

Maxamed Cabdi Mixila oo katirsan urarada bulshada rayidka ayaan wax ka weydiiyey caruurta yar yar ee shaqooyinka loo dirayo iyaga oo aan awoodaasi lahayn.

“Marka koowaad ilmahaan xuquuq ayuu leeyahay oo ah mida sharciga iyo midda qaanuunka caalamiga ah,  waxaa kaloo soo raaca qaraaro kale oo lagu adkeynayo xaquuqda caruurta kadib markii ay soo bateen dhibta caruurta, xaquuqda caruurta da’daan aan maanta ka hadlayso xaq umalaha in lagu shaqeysto mala ogola in lagu shaqeysto,  waxaa loo baahanyahay in la koriyo wax labaro, laakiin caruurteena waa ay dhibban yihiin, waa la jir dilaa waa lagu shaqeystaa waa la caayaa, taasna xaq umalaha caruurta aan qaan gaarin in lagu sameeyo ama ay la kulmaan”

Mixila waxa uu sheegay in caruurta yar yar ee nolol raadinteeda xiliyada habeenkii ah u taagan yihiin wadooyinka Muqdisho inay mas’uuliyad ka saran tahay waalidkii dhalay iyo dowladda dalka ka dhisan.

“Masuuliyadda koowaad waxaa looga baahan dowladda Federaalka oo loo baahanyahay in ay caruurta xanaaneyso, hadii taasi la waayo waxaa laga rabaa hooyada iyo aabaha dhalay inay daryeelaan oo ay ilaaliyaan,  waxaa jira kuwa waalidka dhalay uu dhintay, oo cid daryeelayso aysan jirin caruurtaas oo gabdho iyo wiilal isugu jira, waxaa u dheer gabadhaha caruurta ah in xataa naagnimo loo soo aado saas loo dhibaateeyo, dowladdeena waa inay caruurta daryeeshaa oo ay ilaalisaa” ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Gabdhahaan yar yar ee hareeraha wadooyinka Muqdisho wax ku iibiya ayaa dhibka soo gaara waxa uu yahay mid aan yareyn haba ugu badnaato in laga qaato lacagta wax looga iibsado qaarkoodna laga dafo waxay ibinayaan.

W/D: Farxiya Cabdalla Muumin

Tifaftiray:- Maxamed Abukar Kulmiye