U bood dhigaalka

Gabdho Soomaaliyeed Oo Lagu Diley Canada & Goobjoog News Oo Wareysatay Aabaha Gabdhahaasi

Sheeko:Dalka

Meydka Laba gabar oo Soomaaliyeed ayaa laga helay hoyga ay ka deganaayeen Magaalada Ottawa ee dalka Canada, kadib markii dilkooda la sheegay in loo adeegsaday Mindi.

Gabdhahan ayaa lagu kala magacaabayey Nasiibo C/raxmaan Axmed iyo Asmo C/raxmaan Axmed, waxaana Booliiska ay sheegeen in dilkooda loo qabtey Labo ruux oo tuhmanayaal ah.

Gabdhahan waxaa dhalay Professor C/raxmaan Axmed Nuur (Dr Sulub) oo wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Dr Sulub waxa uu Goobjoog News u sheegay in dilka gabdhihiisa lagu tuhmayo dad ay qaraabo yihiin balse baaritaan Lagu sameynayo.

Labada gabdhood mid kamid ah ayuu sheegay iney ahayd Macallimad Qur’aanka dhigeysay, islamarkaana wixii war ah ay ka sugayaan Booliiska Canada.

“Gacan ka gardaran baa dishey, baaritaan baa ku socdaa, qof baa la tuhmayaa oo waliba qaraabo ah, Booliiska weli ma aaney caddeyn, gabdhuhu mid wey shaqeyneysay, midna waxay ahayd macalimad Qur’aan, marka waxaan ka war sugeynaa baaritaanka” ayuu yiri Dr Sulub.

Weli ma cadda cidda dishey Labadan gabdhood, balse waxay ciidamada Booliiska ee Ottawa ay wadaan baaritaanka arrintaasi.

Goobjoog News