U bood dhigaalka

Gacan Ka Hadal Ka Dhashay Isbedal Lagu Sameeyay Maamulka Hosingoow ee Gobalka Jubada Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dhawaan waxaa deegaanka Hosingoow ee gobalka Jubada Hoose ka dhacay gacan ka hadal u dhaxeeyay Laba dhinac oo sheeganayay mas’uuliyadda maamulka deegaankaasi.

Maamulkii gacanta ku hayay deegaankaasi ayaa iska diiday in xilka ay ku wareejiyaan maamul cusub oo la sheegay in deegaankaasi loo soo magacaabay ayna usoo magacaabeen maamulka KMG ee Jubba, waxaana taas ay keentay in Labada dhinac ay gacanta iskula tagaan.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana socda dadaalo nabadeed oo ay wadaan Odayaasha deegaankaasi, iyadoona sidoo kale la kala qaaday dhinacyadii dagaalamay.

Gudoomiyaha Hosingoow oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin in dadka deegaanka loo soo magacabo maamul aysan raali ka ahayn.

Waxa uu sheegay in maamulkaan cusub ee lasoo magacaabay horay halkaasi looga bedalay isaga oo ku eedeeyay in dhibaatooyin ay shacabka u geysteen, sidoo kalena ay wadeen xilligaan sidii horumaro loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan Hosoingoow.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News