U bood dhigaalka

Gacmahaaga Ma Dhididaan? Sababta Agoow kadibna iska Daawee

Dad badan ayaa waxaa ay ka sheegtaan in jirkooda uu qalalan yahay halka in badan arinkaas wanaag u arkaan.

Dadka qaar, Dhidid ayaa lagu imtixaamay, iyadoo mar walba dhidikooda uu aad u badan yahay, weliba meelo kala duwan ayey ka dhidhidaan.

Dhididka Gacmaha waa dhibaato ay dad badan ka sheegtaan, taas oo sababi karta in ay wal wal iyo walbahaar ku keento qofka dhibaatada ay heysto.

Dr. Marwaan ayaa waxaa uu sheegayaa in dhibaatada dhididka gacmaha ay jirto, weliba waxaa ay sii xoogeystaa ayuu leeyahay Drka xiliyada qofka uu dareemo Wal-wal, Cabis ama xitaa xishood.

Dr. Marwaan waxaa uu leeyahay waxaa laga yaabaa in dhibaatadaas haddii wax laga qaban waayo ay gabdhaha u keeno Caadada oo go’ada iyo xitaa wal-wal iyo Walbahaar joogto ah.

Waxaa dhididka Gacmaha ka dhasha cuduro fara badan sida cudurado Ganjir Bararka, Sokorow iyo Cuduro kale oo ku dhaca ee Neerfaha.’

Qofka waxaa uu u baahan yahay in  si degdeg ah uu daawo u helo gaar ahaan Daawada Maskaxda dajisa iyo Cirbadda Botokis, Cirbaddan waxaa ay yareneysaa dhididka faraha badan ama waxaa ay ku celinaysaa heel kulka jira sida Normalka ama caadiga ah.

Daawadan waxaa ay u baahan tahay in dhowrkii sanaba mar la is duro, arintaas waxaa aad kala tashan kartaa Dhakhtarkaada.