U bood dhigaalka

Gadiidka Gurmadka Degdegga Ah (Ambulance) Oo Shaqo Muhiim Ah Ka Qabta Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Adeegga Aamin Ambulance oo mudda Sideed Sano ah ka shaqeeya Magaaladda Muqdisho ayaa loo aqoonsaday  gaadiidka gurmadka degdegga ah ee haatan sida rasmiga ah uga howl gala Magaalada.

Gaadiidkan oo magaalada Muqdisho ka hawl billaabay sanadkii  2008 ayaa  ahaa mid baahi weyn loo qabay oo dadku markaa ay isticmaali jireen gaari gacan iyo wax la mid ah xilligaas oo magaalada ay ka socdeen dagaallo ay dad badani ku wax yeeloobeen.

15 kun oo ruux ayay u fidiyeen gargaar degdeg ah waxaana ay shaqadaan ku qabtaan si mutadawac- nima ah iyagoo qarashka ay wax ku qabanayaan ka jara daqliga iyaga soo gala.

Cabdulqaadir Ibraahim Aadam ayaa sheegay in adeeggan uu aqoonsiga rasmiga ah ku heley Adeegga ay dadku aamineen ee ay hayeen.

Waxaa jira dad badan oo ka shaqeeya Adeegga Ambulance   kuwaas oo ku shaqeeya qaab tabarrucaad ah, waxaana la sheekeystay Cabdullaahi Maxamed Diini oo ka mid ah dadka Adeeggan ka shaqeeya.

Cabdulaahi ayaa sheegay in adeeggan ay kala kulmaan qatar badan oo mararka qaar ay naftoodu halis gasho, illaa mutadawaciinta qaarkood geeriyoodeen

Dhowr sano ka hor adegga Aamin Ambulance ayaa dabooley baahiyo badan oo dadku u qabeen adeeggan, xiligaas oo baahidu ay korortay ka dib dagaalkii magaaladda Muqdisho ku dhex marayay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxihii kasoo horjeeday.

Adeeggu waxa uu weli ka shaqeeyaa magaalada Muqdisho waloow ay jiraan adeegyo la mid ah iyo gawaari kale oo gaar loo leeyahay oon la heli Karin sanaddii  2008.

W/D:- Leyla Cabdi Maxamed

Goobjoog News