U bood dhigaalka

Gadiidkii Ka Shaqeynayay Deegaanada Shabellaha Hoose Oo Sii Yaraanaya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xilligaan ay sii yaraanayaan gaadiidka rakaabka ah ee isaga kala gooshi jiray deegaanada gobalkaasi.

Qaar ka mid ah darwalada gaadiidkaan ayaa inoo xaqiijiyay in sababta tani ay ka dambeyso ka dib markii gobalkaasi ay kusoo bateen Isbaarooyin lacago xad dhaaf ah looga qaado gaadiidka.

Waxay sheegeen in iyagu aanay wax faa’ido ah ugu jirin ka shaqeynta gobalka Shabellaha Hoose, islamarkaana lacagta ay rakaabka ka qaadaan laga sii qaadanayo, taasina ay khasaare u tahay.

Sidoo kale waxay sheegeen in lacag qaadashada ay u dheer tahay jirdillo ay kala kulmaan ragga hubeysan ee Isbaarada u taallo, iyaga oo ku baaqay in degdeg wax looga qabto wadooyinka gobalka Shabellaha Hoose.

Inkastoo ay cabanayaa gaadiidleyda Shabellaha Hoose, ayaa hadana maamulka gobalkaasi waxa uu sheegayaa inuu la dagaallmi doono cid walba oo dhib ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News