U bood dhigaalka

Gadiidleyda gobalka Shabeelaha Hoose oo ku dhawaaqay Shaqo joojin (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gadiidleyda ka shaqeeya deegaano ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku dhawaaqay shaqo Joojin ay sheegeen in ay bilaabeen maalintii shalay ahayd.

Darawalada gaadiidka ka shaqeeya degmada Qoryooleey iyo deegaano kale oo gobalka Shabeelaha Hoose ka mid ah ayaa sheegay in ay la kulmeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay u geestaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya.

Gudaha degmada Qoryooleey iyo duleedka degmadaasi ayeey sheegeen in looga qaado lacago xad dhaaf ah, taasna ay u arkeen in aysan kusii shaqeyn jiray.

Maamulka degmada Qoryooleey ayeey darawaladaan ku sheegeen in ay dacwadooda u gudbiyeen, hase ahaatee aanay jirin ilaa iyo haatan wax laga qabtay.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News