U bood dhigaalka

Gal-mudug oo ka hadashay xiisad beeleed ka jirta Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug State ayaa sheegay inuu bilowday wada hadalka beelo dhawaan ku dagaalamay Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug Aweys Cali Siciid oo la hadlay Goobjoog Fm ayaa sheegay inuu bilowday wada hadalka beelahaan oo dagaal uu ka dhex jiray kaasi oo ay dad ku dhinteen,

Waxa uu xusay in laga wada hadlay dilalakii aanooyinka qabiil ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo,

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in israsaaseeyn ay dhalay dhexmartay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Gal-mudug State.

Maalmahaan dambe waxaa la dareemayay xiisad u dhaxeysa beelo maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulka Gal-mudug iyo Puntlnad.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha.

Goobjoog News