U bood dhigaalka

Galgaduud: 10 Qof oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Balanballe

Sheeko:Amniga

Dagaal xoogan oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyey laba beelood ee deegaanka wada dega, waxaana dagaalku uu bilowday shalay isniintii galinkii dambe isaga oo soo gaaray ilaa iyo xalay sida uu Goobjoog News  u sheegay Caamir Shire oo ka mid ah duqowda dhaqanka.

“ Dadka dhintay waxaa ay gaarayaan  10 oo la ii sheegay dhimashadooda,  dhaawac bandanna waa uu jiraa oo qaar loo daadgureeyey dhanka Guriceel iyo kuwa kale loo qaaday dhanka Balanballe  oo ay kasoo kala jeedaan  xaqiiqadiisa dhabta ahna lama haayo oo dagaalku waxaa uu soo gaaray cawanmadii dagaalkaasu waa baahsan yahay, Dhaawaca la ogaaday waxaa uu gaarayaa 12 ruux oo labada dhinac ah, ilaa haddana tirakoob sax lama hayo maadama uu xili habeen ah soo gaaray, waana dagaal soo laablaabtay 1, 2 iyo 3 aan la oran Karin” ayuu yiri Caamir.

Caamir sidoo  kale waxaa uu sheegay in xiligaan deegaanaka ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysan, isaga oo intaas ku daray in colaad ay ugu darsantay”,  Hadda waxaa uu galay waqti adag oo jiilaal ah oo xoolihii xaalufeen oo jilibka Cowska lagu raadinayo oo dadkiina ay aad isku riix riixayaan oo xaalad ay sii kacday” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Dhanka kale waxaa u sheegay in deegaanka ay aka bilaabatay kala dhaca xoolaha iyadoo ay jirto abaarta baahsan ee ku dhufatay gobolka uu la qabo dalka intiisa kale” Intii todobaadkaan ah waxaa jiray xoolo la kala dhacay oo wali sidii u kala maqan, waxaas oo dhan ayaa jira, dagaalkaana waa mid in badan soo lab laabtay, ilaa haddana lama arag dad nabaddoonno ah iyo dowlad, siyaasiyaal ama waxgaradkooda ah oo kusoo baxay dadka” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Caamir Shire oo kamid ah doqowda dhaqanka Balanbale oo Goobjoog News la haday.

Dagaalka deegaanka Balanbale ayaa marar badan kusoo laablaabtay deegaanka waxaana  hadda uu kusoo aadayaa iyadoo deegaanka iyo  dalka intiisa kale laga dareemayo abaar baahsan oo ku dhufatay, taas oo saamaysay dadkala iyo duunyada, waxaana deegaanka ka jirta cabsi ah in markale uu dagaal ka qarxo.

Goobjoog News