U bood dhigaalka

Galgaduud: Ahlu-sunna Oo Sheegtay Inay La Wareegtay Deegaanno Dhawaan Al-shabaab Qabsadeen

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa sheegay inay Ciidamadoodu ka hortageen Dhaq dhaqaaq Ciidan oo Al-Shabaab ay ka sameynayeen Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlu-sunna Waljamaaca Mursal Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa Goobjoog FM u sheegay in Rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay soo gaareen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Galgaduud kuwaasi oo ay kula kulmeen Shacabka Deegaannadaasi iyo Odayaal dhaqameed, arrintaasi oo keentay in la diyaariyo Ciidamada Maamulka sida uu hadalka u dhigay.

“Howladda ka dhanka ah Al-shabaab xilli walbo ayaan wadnay, taladeeda iyo waxqabadkeeda waan heynay, hadane waxaa cusub maalmo aan aad u dheereen in kooxda Al-shabaab ay sheegteen in deegaannada aan ka tallinno ay Odayaal iyo shacab kula shireen, arrintaasi waxay ahayd been abuur Shabaabka doonayeen in dadka ku shaki geliyaan, iyadoo laga jawaabayo dhammaan deegaannadii ay sheegteen Shabaab waxaa tagay ciidamada maamulka gobollada dhexe, xilligaan waxay ciidamadaan ku sugan yihiin qeybihii ay Al-shabaab sheegayeen in dad kula hadleen oo ay kula heshiiyeen, xaaladooda aad bay u wacan tahay, iyaguna waxaa naloo sheegayaa in firxdkooda sii marayo degaanno hoos yimaada Galhareeri” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeen Maxamed waxa uu Carabka ku dhuftay in Al-shabaab ay hadda kaliya ay been ku faafiyaan warbaahinta balse aanay lahayn awood ay meel ku qabsan karaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhawaan waxaa soo baxayey warar sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen deegaanno ku dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News