Galgaduud: Ciidamo Ka Wada Tirsan Ahlu-sunna Oo Ku Dagaallamay Mushaar Loo Qeybinayey

Ciidamo ka wada tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Mareer-gur ee gobolka Galgaduud kadib markii ay isku qabsadeen Mushaar loo qeybinayey.

Askar ka tirsan Ahlu-sunna ayaa la sheegay in askar kale oo isla iyaga ah kula murmeen lacag mushaar ahaan loo siinayey, taana ay keentay in rasaas la’isku adeegsado.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Galgaduud Cabdiweli Maxamed Tooxow ayaa soo sheegaya in uu jiro khasaare dhaawac u badan oo askartaan soo gaaray laakiinse weli tiro rasmi ah lama hayo.

Dhammaan askartii Ahlu-sunna ee ku dhaawacantay dagaalka Mareer-gur ayaa la sheegay in lagu daweynayo isbitaal ku yaalla degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolka Galgduud weli kama aanay hadal dagaalka dhexmaray ciidankooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW