U bood dhigaalka

Galgaduud: Khasaaro Ka Dhashay Weerar Ka Dhacay Balanbale

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada balanbale ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xalay xilli dambe kooxa hubeysan ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo deegaanka ku sugna .

Wariyayaasha Goobjoog News  ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday aanan la qoon heybtooda balse ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen kooxda weerarka soo qaaday, halka seddax qof oo kale uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta .

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaalla degmada balanbale .

Sikastaba inta badan weeraro nuucan oo kala ah ayaa ka dhaca deeganada hoostaga gobalka galgaduud, kuwaas oo ku saleysan aanooyin qabiil .

Goobjoog News