Galgaduud:Ciidanka dowladda oo gaaray deegaano hor leh

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa tagay deegaano hoosyimaada degmada Ceel-buur oo la sheegay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ku tageen deegaanadaasi ayaa sheegay in uusan dagaal ka dhicin deegaanadaasi miyiga ah.

Waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay ka war heleen in dhulkaasi ay baneeyeen xarakada Al-Shabaab kadib markii sida uu sheegay ay ciidamadu ku dhawaadeen deegaanada ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

“Deegaanada ay ciidamada dowladda La wareegeen waxaa ka mid ah Kaawa iyo Abooto Barreey” ayu yiri Nuur Xasan Guutaale.

 

Related Articles

23 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW