U bood dhigaalka

Galkacyo: Deni iyo Qoorqoor oo Ka Wada Hadlaya Iskaashiga Labada Maamul

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow magaalada Galkacyo kulan ku yeeshay madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Galmudug Axmed Qoorqoor.

Shirka ayaa xoogga lagu saara iskaashiga labada dhinac ee amniga, isdhexgalka bulshada iyo dhinacyada horumarka ee labada maamul.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlay xaaladda Soomaaliya, doorashooyinka iyo arrimo kale oo ku saabsan dalka iyo gobolka.

Shirka, waxaa Goobjooog ka ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka socday labada dhinac,  waxaa kale oo qeyb ka ahaa xildhibaanno ka tirsan federaalka ah.

Goobjoog News