U bood dhigaalka

Galkacyo: Dhimashada oo Gaartay 18 iyo Aaska Meydadka uu Ka Qeybgalay Ra’isul Wasaaraha

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxa qaraxii jimcihii ka dhacay Galkacyo ayaa sheegaya in dhimashada ay korortay.

Kooxda gurmadka degdega ee Galkacyo waxay arkeen dhimasho 18 ruux ah oo ay so qaadeen gaadiidka gurmadka, dhaawacyadana waxaa ay ahaayeen ilaa 15 ruux.

Dhanka kale, ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa ka qeybgalay aaska dadkii ku dhintay qaraxa.

Aas weyn oo loo dhigay dadka geeriyooday waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiinta iyo shacabka deegaanka.

Goobjoog News