U bood dhigaalka

Galkacyo: Hawlgallo ay Ciidamada Amniga Ka Fuliyeen Habeennimo

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo waxaa ay ka bilaabeen xaafada qaar ee magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegayaan wararka.

Ciidamada ayaa xalay habeennimo waxaa baaritaanno ka bilaabeen xaafadda Taangolol, taas oo saaka aysan ka jirin wax isku socod ah, ciidamada ayaana wada baaritaanno ay guri guri ugu baarayaan xaafadaas iyo kuwa la deriska ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale joojiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana shacabka xaafadda lagu wargeliyey in aysan ka bixin guryahooda inta ay socdaan baaritaannada anmiga lagu xaqiinaayo ee ka socda Gaalkacyo.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalinimadii Jimcaha qarax ka dhacay magaalada ay ku geeriyoodeen saraakiil ka rirsanaa ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad xili ka ay socotay soo dhoweyn.

Goobjoog News