U bood dhigaalka

Galmudug: Biyo Dhaamin Laga Bilaabayo Deegaanno Abaar Ka Jirto

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhowaan biyo dhaamin laga sameynayo deegaannada ugu daran ee abaartu saameysay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka iney jiraan guddiyo ay u saareen soo ogaanshiyaha meelaha ugu daran oo ay ku nool yihiin dadka biyo la’aanta saameysay.

“Waxaan isla qaadannay in degmo walba iyo Tuulo walbo oo ka tirsan Galmudug u sameynno guddi soo diyaarinaya dhibaatooyinka abaaraha ee halkaasi ka jira, warbixintana usoo gudbinaya guddiga abaaraha u xilsaaran si looga jawaabo meelaha dhibaatooyinka ay ka jiraan, waxaa la isku sheegay in deegaannada Galmudug aaney kala rooneyn, waxaa la balanqaadey in Todobaadka soo aadan bilowno biyo dhaamis” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Ka sokow biyo la’aanta ka jirta deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa waxaa jira dad u dhintey harraad iyo nafaqo darro, waxaana maamulka Galmudug uu wadaa dedaallo arrimahan wax looga qabanayo.

Deegaanno badan  oo ku yaalla Mudug iyo Galgaduud waxaa ka barakacay dadkii ku noolaa kadib markii ay saameyn ku yeelatay abaarta dalka ka jirta.

Goobjoog News