U bood dhigaalka

Galmudug: Ciidamada Dowladda Iyo Ahlu-sunna Oo Ku Dagaalamay Galguduud

Sheeko:Amniga

Warar laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in duleedka waqooyi ee mgaalada uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa galmudug iyo ururka ahlu-sunna.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Ahlu-sunna ay waddada u galeen kolonyo ciidan oo ka tirsann ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro soo kala gaaray labada dhinac.

Ahlu-sunna ayaa fariisimo ku leh deegaanka Bohol halkaas oo ay degganaayeen tan iyo markii laga saaray magaalada Guriceel.

Wixii ku soo kordha warkaan kala soco Goobjoog News