U bood dhigaalka

Galmudug: Ciidamada Galmudug Waa Inay U Diyaargaroobaan Ilaalinta Amniga Inta Doorashooyinka Lagu Jiro

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta booqday xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaasi.

Xeryahani ciidan oo uu kormeeray madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa kamid ah xerada 21-aad oo ay ku jiraan ciidanka xoogga dalka ee qeybtiisa 21-aad iyo sidoo kale xero kale oo lagu tababaro ciidanka daraawiishta Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi waxaa socdaalkani ku wehlinayay abaanduulaha xerada 21-aad ee dowladda federaalka Korneel Cabdullaahi Aadan Xuseen(Ciirro).

Mudane Maxamed Xaashi ayaa ciidamada dhammaantoodba faray inay isu diyaariyeen sugidda ammaanka magaalada Cadaado iyo degaannada kale ee dowladda Galmudug si looga gaashaanto falal qalqal gelin kara ammaaanka inta lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka federaalka.

Inta lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay madaxweyne xigeenku in loo baahan yahay in ciidamada ay xil iska saaraan ilaalinta xasiloonida degaanka.

Abaanduulaha ciidanka xerada 21-aad Gaashaale Sarre Cabdullaahi Aadan Ciirro ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamadu ay u diyaargaroobeen xaqiijinta ammaanka degaannada Galmudug.

Magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa kamid ah meelaha lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka federaalka ee dowladda cusub oo beeshiiba ay dhowr musharrax u tartamayaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen baarlamaankani.

Goobjoog News