U bood dhigaalka

Galmudug: Dib u Dhac Ku Yimid Doorashada Xubnaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu waday in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka dhacdo doorashada xubnaha u tartamaya aqalka sare gaar ahaan qeybta Galmudug, hase ahaatee waxaa lasoo sheegayaa in dib u dhac ay ku timid doorashadaasi.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay Goobjoog News in maanta ay dib uga dhacday doorashada, sababtana illaa iyo haatan lama soo sheegin.

Xubnaha u tartamaya aqalka sare ayaa shalay khudbado kahor jeediyey xilidhibaannada baarlamaanka Galmudug, qorshahana maanta ayuu ahaa iney doorashada dhacdo, balse dib ayeey u dhacday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News