U bood dhigaalka

Galmudug: Doorashada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Waa Looga Diyaargaroobay Cadaado

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa looga diyaargaroobayaa doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee ka imaanaya degaannada maamulka Galmudug.

Waxaa magaalada Cadaado iyo degaanno kale ka socda qorista iyo diyaarinta ergooyinka la doonayo inay soo doortaan xubnaha baarlamaanka ee aqalka hoose.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Galmudug Daahir Faarax Fiidow ayaa u sheegay Goobjoog News inay howsha diyaargarowga ay si fiican u socoto.

Wasiir xigeenka ayaa sheegay in ay diyaarinayaan ergadii wax dooran lahayd kadibna ay dhici doonto doorashada lagu tartamayo ee xubnaha u taagan baarlamaanka federaalka ay wada geli doonaan.

“Diyaargarowgeenna aad buu u sarreeyaa waxaa aad loo adkeeyay ammaanka cidda wax dooranaysana waa ergo ka dowlad ahaan waynu martigelinaynaa waana wadnaa howsha” ayuu yiri Wasiir xigeenka warfaafinta Galmudug.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Madaxtinimo iyo saameynta u muuqata ayuu sheegay in waqti aan fogeyn liiska aqalka sare ay gudbin doonaan islamarkaana aqalka hoose uu ku sii xigo.

Wuxuu meesha ka saaray in ergo maamulka uu qorayo aynaan jirin, hase yeeshee ay howshaas leeyihiin odayaasha dhaqanka oo ay soo xulayaan islamarkaana guddiga doorashooyinka heer maamul ay kala shaqeynayaan.

Magaalada Cadaado iyo degaanno kale oo Galmudug ah waxaa ku sii qulqulaya dadka aad u doonaya inay kamid noqdaan labada aqal ee baarlamaanka dowladda cusub iyo xubno dadkaasi u ololeynaya.

Goobjoog News