U bood dhigaalka

Galmudug: Guddi Loo Magacaabay Abaaraha

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Galmudug ayaa guddi u magacaabay abaaraha ka jira gobollada Galgaduud iyo Mudug oo saameyn aan yareyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ka xun tahay abaaraha ka jira dalka islamarkaana loo dadku ay u helaan gurmad loo magacaabay guddi ka shaqeeya howlaha gargaarka.

Guddigani uu magacaabay Madaxweyne Guuleed ayaa ka kooban 11 xubin  oo isugu jira golaha xukuumadda iyo baarlamaanka waxaana guddoomiye looga dhigay wasiirka gargaarka iyo beni’aadanimada Galmudug Shire Xirsi Maxamuud.

Hoos Akhriso Warqadda Abaaraha Looga Hadlay:

 abaaraha

Goobjoog News