U bood dhigaalka

Galmudug: Guddoomiye Gacal oo Xildhibaan Ciqaabey iyo Diidmo Ka Dhalatay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha wakiillada maamul goboleedka Galmudug  Maxamed Nuur Gacal ayaa qoraa uu shalay soo saaray waxaa uu fadhiga golaha uu uga mamnuucay inuu soo xaadiro xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow, waxaana qoraalka lagu sheegay in xildhibaanku uu ku kacay falal liddi ku ah habsami u socodka fadhiyada golaha wakiillada.

Dhanka kale, xildhibaannada ka tirsan maamulkaas ayaa si weyne uga soo hor jeestay go’aanka uu qaatay guddoomiye Gacal, waxaana ay kulan xalay Dhuusamareeb kula qaateen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye, iyagoo ka dalbaday inuu soo farageliyo xaaladda ka dhalatay shaqo ka joojinta golaha ee lagu sameeyey Cabdullaahi Axmed Calasoow.

Goobjoog News