U bood dhigaalka

Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo Wada Hadal u Socdo

Sheeko:Dalka

Wada hadallada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa la sheegayaa in ay meel fiican marayaan arrintaas soo afjari doonta kala qeybsanaanta Galmudug dhexdeeda ah.

Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo wada  hadalada ay ku jiraan Xubnaha   Ahlu Sunna Waljamaaca   ee ku sugan Degmada Dhuusmareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxwayne ku xigeenka Maamulkaas Madaxweyne Ku Xigeynka Maamulka  Galmudug Maxamed Xaashi (Cabdi Carabeey) ayaa sheegay in wada  hadalada labada dhinac u dhaxeeya ay  soo gaareen meel aad u wanaagsan.

Waxa uu xusay Madaxwayne  ku xigeenka Maamulka Galmudug iyo rajo wanaagsan ay ka qaban  mira dhalka  dib u heshiisiin waarta ee ka dhalata Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Warkan ayuu u sheegay Goobjoog News isaga oo  magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulamo uu kula qaatay xubno ka socda dalalka beesha caalamka.

Goobjoog News