U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Galmudug Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ka Socda Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya waxay sheegayaan in dagaal uu maanta ilaa xalay ka socda tuulada Jiirey oo u dhaw deegaanka Af Barqaawo ee Gobolkaasi, kaa oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid culus, waxaana Labada dhinac isku adeegsanayaan hub aad u xooggan, iyadoo ciidamo badan ay Labada dhinac gurmad ahaan ugu kala tageen.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan inta uu la egyahay, waxaana la maqlayaa daryanka madaafiicda ee Labada dhinac isku adeegsanaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News