U bood dhigaalka

Galmudug: khilaaf kasta Waa in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Amniga

Maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujiyay khilaafka cusub ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka, xilli ay cadeeyeen mowqifkooda.

War ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa ugu horayn lagu yiri “Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah”.

Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka xuntahay in la xagal ka daaciyo doorashooyinka oo heer gabagabo ah maraya.

“Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.
Maamulka Qoor-Qoor ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in wax walba  si wadajir ah ay u xaliyaan madaxda madasha wadatashiga qaranka.
“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.
Goobjoog News