U bood dhigaalka

Galmudug: Maxay Xildhibaannadu Ka Dhaheen Sharciga Dartii Loo Ciqaabay 6 Ka Mid ah?

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ciqaabay ilaa 6 Xildhibaan, iyaga oo  laga joojiyey kulamada qaar halka la sheegay in labo bil aaney qaadan doonin wax gunno ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha Maxamed Nuur Gacal December 30, 2021-kii ayaa sidaa loogu sameeyey xildhibaannada kala ah (1). Xil. Cabdullahi Xersi, oo ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha,  (2). Xil. Axmed Cabdirisaq, (3). Xil. Cabdinaasir Aadan, (4). Xil. Cabdiqaadir Bariise, (5). Xil. Mursal Maxamed, iyo (6). Xil. Daahir Shiiqow.

Cabdullahi Xeri Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug oo ka mid ah liiska xildhibaannada uu Gacal ciqaabay ayaa isna dhankiisa ku tilmaamay tilaabadan mid sharci darro ah.

Xildhibaan Axmed Yuusuf oo qeyb ka ah xildhibaannada laga joojiyey fadhiyada iyo gunnada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay meel uga dhaceyso kooramka, hannaanka wax ansixinta iyo xataa doorashadii guddoonka.

Axmed Yuusuf oo arrinkan faahfaahinayey ayaa waxaa uu yiri “Baarlamaankan labo sano ayuu dhisan yahay, waxaa kusoo kordhay caqabad oo ah dhacadadii December 28-keeda kaas oo ah in golaha la keenay sharciga adeegga garsoorka, oo aan soo marin hannaan sax ah sida guddiga joogtada ah ama akhrin hore,  waxaa jirtay in ilaa 10 xildhibaan ay saxiixeen warqad ah in ajendaha laga saaro xeerkan, markii laga saaray ayuu Gacal dalbaday in cod la geliyo in sharaciga uu dib soo celin karo iyo in kale, laakin codeyn la qaaday waxaa ka aamusay ilaa 38 oo ka tirsan 55 xildhibaan oo goobta joogtay halka 17 keliya ay ogolaadeen”.

“Laakin guddoomiye Gacal waxaa uu si iskiis ah u wacay muuqaal baahiyaha isaga oo ku dhawaaqay in codeyn loo qaaday sharciga adeegga garsoorka ay meelmariyeen guud ahaan inta golaha joogtay oo dhan 55 xildhibaan, taasi oo buuqan dhalisay, waxaana isku qabsaday isaga iyo ku xigeenka 1aad xildhibaan Cabdullahi Xersi,, laakin waxaa uu u ciqaabay sida in aanu guddoonka kula jirin”.ayuu intaa raaciyey Xildhibaan Yuusuf isaga oo kusoo gabagabeeyey in arrintan ay keeni karto in xildhibaannada ay go’aan ka qaataan sharciyadda guddoomiyaha.

Xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamaanka Galmudug Garaad Yuusuf oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa dhankiisa  sheegay in arrinta uu guddoomiye Gacal sameeyey ay tahay mid khatar ku ah dowladnimada isaga oo intaa raaciyey “ Baarlamaan waxaa uu ku dhaqmaa xeerar iyo hannaan u deggan, laakin sida uu guddoomiye Gacal u dhaqmay waa sida fulinta oo kale, oo qofka korjooga uu go’aan iska gaaro”.

Garaad Yuusuf oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Arrintan waa mid muujineysa sida ay dowladnimada ay aheyd 5-tii sano ee lasoo dhaafay, waa mid kasoo horjeeda dhaqanka baarlamaanka, xeer hoosaadka iyo nidaamyada anshax marinta, waa sharci darro, waana mid keeni karta halaag iyo burbur ku yimaada hey’ado dhisan”.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye.