U bood dhigaalka

Galmudug Oo Dowladda Iran Ku Eedeysay In ay Taageerayaan Ahlu-sunnada Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda Iran iyo taageero dhan walba leh ay siinayaan kooxda SUFA (Ahlu-sunna) ee gobalka Galgaduud, kuwaasi oo dhawaan dagaal la galay ciidamada Galmudug.

Wasiirka warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Aadan Cismaan oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in Iran ay Sufa ka taageerayso waxyaabo badan, qeybna ka ah abaabulka dagaallo ka dhaca Galmudug.

“Hadaba Waxay dowlad gobaleedka Galmudug Cadeyneysaa in kooxda Sufa ay xiriir dhaw la leedahay dalka Iran, dalkaasi oo u fidiya taageero noocyo kala duwan leh kooxdani, iyadoo dowladda Iran ay dan gaar ah ka leedahay deegaanada dowlad gobaleedka Galmudug, waxaa wax laga xumaado ah in waqtigaan xasaasiga ah in dadka deegaanka isku diyaarinayaan inay aayahooda ka tashadaan shaqsiyaad ama kooxo raba inay iska hor keenaan dadka walalaha ah ee dega Galmudug, hase yeeshee dowlad gobaleedka Galmudug waxaa ka go’an in deegaanada oo dhan la nabadeeyo si shacabka loogu horseedo nabad, amni iyo wax wada qabsi, waxaana leenahay xilligaan deegaanka uma baahna colaad hor leh, mana loo dul qaadan doono cid walba oo isku dayda in shacabka ay u horseeddo dagaallo aan uljeeddo lahayn”

Wasiirka ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu bulshada Galmudug ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulkooda, sidoo kalena waxa uu dowladda Federaalka ugu baaqay inay dowladda Iran kala hadasho fara gelinta ay ku taageerayaan Ahlu-sunna Waljameeca.

“Ugu dambeyn waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan Bulshada Galmudug in dowladda ay kala shaqeeyaan Nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo sidii loo sugi lahaa amniga, si ay shacabka u helaan Nabad galyo buuxda iyo horumar joogta ah, dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay dowladda Iran kala hadasho fara gelinta iyo carqaladda ay ku hayso deegaanno ka mid ah dowlad gobaleedka Galmudug islamarkaana joojiso taageerada ay siiso kooxda Sufa, waxaan ugu baaqeynaa culimada ku dhaqan deegaanada Galmudug in ay bulshada ku wacyi geliyaan ka qeybqaadashada Nabadda, xasiloonida, sii xoojinta amniga, isku xirnaanta bulshada iyo wax wada qabsiga” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka warfaafinta Galmudug.

Hadalkani ayaa imaanaya xilli deegaanno ka mid ah Galgduud ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaa ciidamada Ahlu-sunna iyo kuwa Galmudug.

Goobjoog News