U bood dhigaalka

Galmudug oo ka deyrisay xaaladaha nololeed ee qoysas ku tabaaleysan Hobyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Hobyo
Hobyo

Maamulka degmada Hobyo ee Galmudug ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in aysan ka jawaabin dhibaatooyinka xaga nolasha ah ee ka taagan degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamuud Maxamed Cawaale oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay in degmada Hobyo ay tahay meel ay ku nool yihiin qoysas fara badan oo ay haystaan xaalado nolol xumo oo aad u daran.

Maxamuud Maxamed Cawaale wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen baahiyaha ka jira degmada hase yeeshee ilaa iyo hadda aysan jirin wax jawaab ah oo ay ka heleen.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay jiraan dad iyo duunyo harraad ugu geeriyooday deegaano hoos taga degmada Hobyo, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in aysan jirin wax gurmad ah oo ay heleen dadka ku nool degmada Hobyo.

Hoos ka dhageyso codka Maxamuud Maxamed Cawaale: