U bood dhigaalka

Galmudug: 70 Shabaab Ah Ayaa Lagu Dilay Baxdo

Sheeko:Amniga

Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray dagaal saacado qaatay oo ururka alshabaab iyo shacabka galgaduud ku dhexmaray deegaanka Baxdo.

Xubna ka tirsan ururka al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Baxdo, halkaas oo ay doonayeen in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka.

Shacabka deegaanka ayaa dagaal kala hortagay xubnaha deegaankooda soo weeraray, taas oo markii dambe sababtay in ciidamada dowladda ay garab ka helaan, halkaas oo shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro baaxad leh.

Madaxtooyada galmudug ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in dagaalka al-shabaab looga dilay xubna kor u dhaafaya 70 shabaab ah.

“Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor.
Dagaalka kadib ayaa la sheegay in ciidamada iyo shacabka Baxdo ay xubna ka tirsan ururka al-shabaab oo ku baxsaday deeganada hoos taga Baxdo ay kaga daba tageen, halkaasna ay ku soo afjareen kooxdii weerarka soo qaadday.
“Dowladda Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.
Goobjoog Newsg