U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Hadashay Dagaalkii Dhexmaray Al-shabaab Iyo Xoolo Dhaqato Ku Sugan Mudug

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinnta maamulka Galmudug ayaa looga hadlay dagaal maalintii shalay ahayd iyo sidoo kale maalintii ka horreysa ku dhexmaray Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen 22 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Hadaba War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:-

Dowladda Galmudug ee Soomaaliya ayaa shacabka deegaanada Ceel & Ceel-Cabdi ku tilmaantay geesiyaal u istaagay danahooda kuna laayey 22 Al-Shabaab maliishayadooda ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Mohamud Aden Osman (Mesagaway) ayaa sheegay in shacabka Galmudug gaar ahaan shacabka deegaanada Ceel & Ceel-Cabdi ay yihiin geesiyaal diiday in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qasbaan oo argagax joogta ah ku hayaan. Wasiir Mesagaway ayaa yiri “Shacabka deegaanada Ceel & Ceel-Cabdi oo kaashanaya ciidamada GalMudug ayaa dagaal la galay kooxo maleeshiyaad ah oo shacabka deegaanka ku hayey argagax iyo cagajugleen joogta ah. Dowladda Galmudug ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa shacabka yiri kooxaha argagaxisada ah waa inaan iska caabinnaa oo dagaal la galay isla markaasna ka dilay 22 ruux tanoo ah guul u soo hoyatay shacabka.”

Wasiir Mesagaway oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa la joogaa waqtigii shacabka ay oran lahaayeen dooni meyno argagax, dagaalkii maantana waa tusaale fiican oo aan rabno in shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay iska dulqaadaan argagaxa joogtada ah ee kooxaha Al-Shabaab. Dagaalkii maanta ka dhacay Ceel & Ceel-Cabdi waxaa kooxaha argagaxisada looga dilay 22, isla markaasna looga dhaawacy 30 ruux. Dhanka shacabka iyo ciidanka GalMudug waxaa ka shahiiday hal ruux, waxaana dhaawac soo gaaray hal ruux. Ciidanka GalMudug iyo shacabka oo iskaashanayana waxey soo furteen hub fara badan iyo saanad ay kooxaha argagaxisada ah ku damacsanaayeen in shacabka ku gumaadaan. Deegaanka Ceel & Ceel-Cabdina waa laga saaray kooxihii argagaxsiada ahaa shacabka deegaankana waxey caawa ku seexanayaan neecow nabad ah iyo amni la isku haleyn karo.”

Wasiir Mesegaway ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka Galmudug inay ciidamada la shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo.

DHAMAAD