U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Hadashay Dib Isu Abaabulida Ciidan Ee Ahlusunno

Sheeko:Amniga

Maamul goboleedka Galnudug ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ay Ahlu-sunno ka wado degaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliska Guud ee Booliiska Galmudug oo war-saxaafadeedkan soo saaray ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Deegaanka Huurshe.

Taliska ayaa sidoo uga goodiyay saraakiisha ku hawlan inay garabsiiyaan Ahlusunno in wajihi doonan tallaaboyin sharciga waafaqsan, waxaana la faray saraakiisha Ciidamada ee Huurshe jirta in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyadoo qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay in aysan gacan siinin abaabulkaasi.

Ugu dambeyn Taliska Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamey Xananbuure in ay colaadaasi ku badalaan nabad iyo wada xaajood.

GOOBJOOG NEWS.

#ILASOCO