U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Hadashay Sababta Loo Sugi La Yahay Amniga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay amni xumida ka jira magaalada Gaalkacyo iyo sababta maamulkaasi u heli la yahay xalka amniga ee magaaladaasi iyo qorsheyaasha ay ka damacsan yihiin arrinkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Galmudug Cabdi Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta Galmudug iyo Puntland ay sabab u noqotay in amniga uu faraha ka baxo.

Waxa uu tilmaamay in Labada dhinac isaga kala gudbayaan dadka falalka amni xumida ah wada, islamarkaana hadii Labada dhinac wada shaqeyn lahaayeen uu amniga ahaan lahaa mid hagaagsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa qiray in dadka Gaalkacyo waqooyigeeda wax ku dila ay usoo baxsadaan dhanka Koonfurta, sidaasina ay keenayso in aan la garan dambiilaha.

Galmudug iyo Puntland waxay horay ugu dagaallameen magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, mana jirto wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeysa Labadan maamul oo magaaladaasi kala maamula.

Goobjoog News