U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Jawaabtay Wareegtadii Puntland

Sheeko:Dalka, War

Maamulka Galmudug ayaa eedeyn u jeediyay maamulka dariskooda ah ee Puntland kadib go’aan shalay ka soo baxay maamulkaasi oo ku aaddan in bisha soo socota kowdeeda ay degaannada Puntland ay mamnuuc ka yihiin baabuurta ka imaan jiray Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in go’aanka Puntland ay qaadatay uu caqabad ku yahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool labada maamul degaannada ay ka kala taliyaan.

 “Ficillada ay mar walba Puntland sameynayaan oo ay isleeyihiin ammaanka ku suga waa ay ka daraan, maxaa yeelay yaa iyaga u sheegay in dadka wax dila ay ka yimaadeen Koonfurta, haddii taas ay sii socotana waxaa dhici doonta in la yiraahdo dadka iyo badeecada ka imaanaya Puntland in la joojiyo taasna shacabka Soomaaliyeed beey dhibaato ku tahay meel walba oo ay joogaan” ayuu yiri wasiirka Dastuurka dowladda Galmudug.

Wuxuu sheegay in dadka shacabka ah ee labada dhinac aynaan kala maarmin oo ganacsiga iyo badeecooyinka loo baahan yahay in xor looga dhigo.

“Waxaan Puntland u soo jeedinayaa in Puntland ay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan waxaan u soo jeedinayaa inay fahmaan cawaaqibka ka dhalan kara, Annaga mar walba haddaan Galmudug nahay in ganacsiga Soomaalida u uxor ahaado waa mabda’ayagu” ayuu yiri mar kale wasiirka dastuurka Galmudug.

Hadalka wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa ku soo aadayaa xilli shalay wareegto ka soo baxday maamulka Puntland lagu mamnuucay gaadiidkii ka imaan jiray dhanka Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliyeed si buu yiri loo xaqiijiyo ammaanka degaannada Puntland.

Goobjoog News