U bood dhigaalka

Galmudug Oo Kenya Ku Wareejisey Haweeney Ay Kasoo Badbaadiyeen Burcad Badeed

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa maanta dowladda Kenya ku wareejiyey haweeney lagu magacaabo Louis Njoki oo ciidanka nabad sugidda ay xoog uga soo furteen koox burcad badeed ah oo muddo haweeneydan haystay.

Munaasabad ka dhacday degmada Cadaado ayaa lagu wareejiyey haweeneydaan, waxaana munaasabaddaasi ka qeybgalay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, safiir ku xigeenka Kenya ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Safiir ku xigeenka Kenya ee Soomaaliya oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahadceliyey maamulka Galmudug iyo ciidankii soo badbaadiyey haweeneydaan Kenyanka ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in ay la dagaallamaan kooxaha burcad badeedda iyo sidoo kale Al-shabaab, sidoo kalena aaney aqbali doonin in deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi lagu haysto dad aan waxbo galabsan.

Louis Njoki oo laga dareemayo farxad ayaa isla maanta waxaa loo duuliyey dalkeeda Kenya, iyadoo u mahadcelisay cid walbo oo kaalin ka qaadatey in ay dib u hesho xorriyadeeda.

Haweeneydan ayaa kooxaha burcad badeedda ah waxay haysteen muddo 18 bil ah, balse howlgal ay ciidamada nabad sugidda ka sameeyeen bariga gobolka Mudug waxay ku guuleysteen iney si awood ah kusoo furtaan haweeneydaan.

Goobjoog News