U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ku Baaqday In La Joojiyo Dilalka La Xiriira Aanooyinka Qabiil Ee Ka Dhaca Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa ka hadlay dilal la xiriira aanooyin qabiil oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka Seddax qof oo aano qabiil loogu dilay Galgaduud, isaga oo ugu baaqay dhinacyada is hayaha in shuruud la’aan wax walba lagu dhameeyo.

“Waxaan ka xunnahay wax walba oo ka dhacay gobalka Galgaduud, waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo dhiigaan la daadinayo, dadka waa wada walaalo, waxaan rabnaa in horumarka aad ka wada qeybqaadataan, waxaan dooneynaa in nabadda aan wada maalno” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka ugu daran ay ka dhacaan dulka baadiyaha ah, gaar ahaan marka la galo xilli roobaadka.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor deegaanno bariga Galgaduud ah lagu dilay 3 qof, kuwaa oo loo dilay aanooyin la xiriirta qabiil.

Goobjoog News