U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Salaad Roob Doon

Sheeko:Dalka

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Oo Ku Baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka Ay Abaaruhu Ku Heystaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug

Iyadoo Gobollada Dalka Soomaaliya ay ka jirto abaar aad u daran ayaa waxay saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa dowlad goboleedka Galmudug uu ku baaqay in la sameeyo roob doon.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan  Axmed  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in la soomo muddo seddex maalin ah kadibna la isugu yimaado salaad roob doon ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in xaalado adag ay ka jiraan gobollada Galgaduud iyo Mudug kuwaasoo sabab u noqday in dadka qaar ay ku dhacaan xanuunno dhimirka ahi.

“Baaq roob doon ayaan u direynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda ku nool gobollada dhexe ee ku nool dowlad goboleedka Galmudug waxaa jira abaaro ba’an oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaan ugu baaqeynaa dadka in seddex maalin la soomo maalinta afaraadna salaad roob doon ah la tukado, waxaana rajaynaynaa in Ilaahey naxariistiisa uu ina siiyo” ayuu yiri wasiirka diinta Galmudug.

Dhanka kale, wasiirka diinta iyo awqaafta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan ayaa shacabka ugu baaqay inay iscafiyaan si Alle naxariistiisa loo helo.

Wuxuu ku baaqay in laga fogaado colaadaha iyo wax kasta oo dadka walaalaha kala fogeyn kara.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka jira abaaro aad u daran oo saameyn aan yareyn ku yeeshay kumanaan qoysas ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen.

Goobjoog News