Galmudug Oo Loogu Baaqay In Wada Hadal Ay La Gasho Garabka Ka Maqan Ahlu-sunna

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug in wada hadal uu la galo garabka kale ee ka maqan Ahlu-sunna Waljameeca, gaar ahaan garabkii dhawaan maamulka uga dhawaaqday Dhuusamareeb.

Suldaan Cabdicasiis Cumar oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa isaga oo u waramayay Goobjoog news waxa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in la xalliyo cid walba oo wax ka tabanaysa Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay Suldaanka in heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Cadaado uu yahay wax wanaagsan loona baahan yahay in Galmudug ay raadiso dhinac ka tirsan Ahlu-sunna ee maamulka ku dhistay magaalada Dhuusamareeb.

“Waad Ogtihiin garab kale ayaa ka maqan Ahlu-sunna, kuwaa oo maamul ku sameystay Dhuusamareeb, sidaa darteed waa in madaxweyne Guuleed uu dhabarka u xirtaa sidii uu garabkaasina ku keeni lahaa”

Suldaan Cabdicasiis ayaa sheegay in hadii aan la helin garabka ka maqan Ahlu-sunna inay tahay caqabd aad u ballaaran misane soo wajahday maamulka Galmudug.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW