U bood dhigaalka

Galmudug oo Magacoowdey Guddi Heer Sare Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey ayaa markii ugu horeysey ku dhawaaqay guddi heer sare ah oo madaxtooyada kala shaqeyn doona diyaarinta barnaamijka waxqabadka 90 cisho ee ugu horeeya maamulka Galmudug.

Guddigan ayaa la magacaabay xili labada mas’uul ay wadaan wadatashiyo kala duwan oo ay Cadaado kula leeyihiin bulshada qeybaheeda kala duwan iyo maamuladii horey u jirey, ka hor inta aanan lagu dhawaaqin golaha wasiiradda.

Labadan mas’uul oo aanan wali la caleemo saarin ayaa lagu wadaa in ay soo dhisaan xukuumad iyaga oo tixgalinaya dadka wali cabashada qaba sida Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo kale.

Goobjoog News