U bood dhigaalka

Galmudug Oo Mar Kale Ka Digtey Xanibaadda Puntland Kusoo Rogtay Gaadiidka Ganacsi Ee Ka Taga Koonfur

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa mar kale digniin kasoo saaray dhibaatada ka dhalan karta xanibaadda maamulka Puntland kusoo rogtay gaaadiidka ka taga gobollada Koonfureed ee ganacsiga u wada deegaannada maamulkaasi kaarrimiyo.

Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen golaha wasiiraada ayaa lagu sheegay in maamulka Galmudug ka xunyahay in xilligaan la kala qob qobo shacabka Soomaaaliyeed.

Golaha wasiirada Galmud ayaa soo saaray qodobadan:-

1- Sidii aan horay u sheegnayba waxaan aaminsanahay in isku-socodka shacabka iyo madax-banaanida ganacsigu ay laf-dhabar u yihiin nolosha shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug iyo Puntland.

2- Mar labaad waxaan ka digaynaa in xanibaad iyo kala qoqob kasta oo lagu sameeyo isku- socodka shacabka walaalaha ah iyo madax-banaanida ganacsigooda uu horseedi karo burbur dhaqaale iyo amni darro baahda.

3- Waxaan tuhunsanahay in go’aamadaas ay yihiin kuwo dad yar oo ku jira xukuumadda Puntiland ay dano qarsoon oo gaar ah ka leeyihiin, ayagoo mar marsiiyo ka dhiganaya arrimo amni, isla markaana aysan ka tarjumaynin danta, rabitaanka iyo maslaxadda shacabka iyo ganacsatada Puntland.

4- Waxaan ka xunnahay qasaaraha ka dhashay go’aamada aan laga fiirsan ee ay gaartay Puntland kuwaas oo keenay in 48 saacadood la xanibo gawaari sidda xoolo nool, qudaar, raashin iyo badeecooyin kale, sababayna in xoolihii baqtiyaan, qudaartiina baaba’do, ayna ka dhasheen burbur dhaqaale oo xoogleh, kuwaas oo kasoo horjeeda qaanuunka ganacsiga, horumarka, soomaalinimada iyo garashada wanaagsan ee bani’aadamka.

5- Waxaan ku wargelinaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka ay si dhaw ula socdaan il gaar ahna ku hayaan ficilada ay Puntlaand samaynayso oo ah kuwo xadgudub ku ah heshiiskii ay Galmudug iyo Puntland gaareen 2dii bishii December 2015ki ayna goobjoog ka ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

6- Waxaan ka xunnahay dhibaatada ku dhacday ganacsatada iyo shacabka soomaaliyeed, waxaanna muujinaynaa walwalka aan ka qabno arrinkaas, wixii cawaaqib-xumo dhaqaale, amni iyo bulsho ah ee ka dhasha go’aamadaasna ay Puntland dusha-u-ridandoonto.

7- Waxaan u soo jeedinaynaa maamulka Puntland in ay ka waantoobaan falalka xambaarsan daandaansiga iyo colaad-abuurka ee ay ku kacayaan, ayagoo marmarsiiyo ka dhiganaya arrimo amni.

8- Waxaan soo dhawaynaynaa kuna dadaalaynaa wax kasta oo soomaalinimada, midnimada ummadda soomaaliyeed, walaaltinimada iyo derisnimada xoojinaya.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku xanniban gaadiid sida xoolo iyo Khudaar kuwaa oo ka tagey Koonfurta dalka, loona diiday in ay ka gudbaan magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News